|
![]() |
|||||
….
Degelkaa Wardheer baan jeclaa, wacad Ilaahay e Wararkay ka soo tebinayaan, dunida weegaaran Aqoonyahanku weedhay qoraan, waano iyo faallo Waaberi fankoodii horiyo, qaar waddiniyiina Sidii waqal kaliil noo curtay, noo wabxinayaane ….. Runta lagama waabtee xaqay, waakan dhahayaane In kastoo wabsaydyadu qoraan, hadallo weecweecsan Dadka wacani waxay qoonsadaan, kooda laga waaye Walqal baan u qali goolal iyo, wanan la shiilaaye Wardi iyo ducana wow akhriyi, waaga iyo fiide Waa Qayb ka mid ah gabay uu tiriyay 2006 dii Abwaan Maxamed Hirad Saxaafadda elektaroonikada ah oo xilligan kaalin weyn kaga jirta warbaahinta adduunka ayaa waxa ay noqotay aalad ay Soomaalidu waayadan dambe si aad ah u adeegsadaan. Taas oo ay isugu tebiyaan wararka, doodaha, waayaha iyo aqoonta la xidhiidha Soomaalida. Kuwaas oo maalinba maalinta ka dambaysa ku soo badanaya degalada internet-ka ee caalamka. Haddaba Shan Sano ayaa hadda laga joogaa markii uu degelka wararka iyo arrimaha Soomaalida lagu falanqeeyo ee WardheeNews (WDN) si rasmi ah hawada u soo galay. Ammintaas oo ku beegnayd 23 November, 2004 tii. Laga billaabo xilligaas waxay WardheerNews akhristayaasheeda maalin walba u soo bandhigaysay Warar, Faallooyin, Wareysiyo iyo Maqaallo aad u xiiso badan oo tayadoodu sarreyso. WardheerNews oo ah Warside madaxbannaan oo aan u adeegin cid gaara, ayaa waxa uu muddadii uu jiray xoogga saaray sidii uu u ilaalin lahaa anshaxa iyo akhlaaqda (Ethics) saxaafadda. Taas oo ay mareegtu ku kasbatay sharaf iyo magac. Waxa ay intii ay jirtay WardheerNews noqotay madal ay ku soo xidhmeen akhristayaal badan oo Soomaali iyo ajaanib isugu jira. Akhristayaasha ka sokow waxay WardheerNews soo jiidatay aqoonyahanno tiro badan oo maanta qoraaladooda iyo fikradahooda shacabka ugu soo bandhiga degelkan. Sidaa darteed WDN waxay noqotay barta aqoonyahannadda Soomaaliyeed ay doodaha iyo aragtiyaha xogta iyo fikradha xambaarsan isku weydaarsadaan. Warsidaha WDN oo lagu daabaco afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga ayaa Soomaalida ka sokow waxa uu soo jiitay ajaaniib badan oo si joogta ah u soo booqda degelkan. Inkastoo qoraalada lagu soo bandhigo WDN u badan yihiin afka Ingiriisiga, haddana waxa uu maamulka WDN xoogga saaray, waqti badanna ku bixiyaa sidii qoraalada afka Soomaaliga ee lagu daabaco mareegtu, ay u noqon lahaayeen kuwo tayadoodu sarreyso, kana fayaw khaladaadka aan loo aabbo yeelin ee waayadan dambe ku habsaday qorista af Soomaaliga. WardheerNews oo fidisa warar xaqiiqo ah oo la isku hallayn karo, ayaa taasi waxay keentay in marar badan wararka iyo qoraalada lagu fidiyo WDN ay xigtaan Wargeysyada adduunka ugu caansan qaarkood. Guusha ay maanta u dabbaldegayso WDN, Ilaahay ka sokow waa mid ku timid dadaalka bahda tifatirka iyo aqoonyahanka tirada badan ee WDN u doortay in ay noqoto barta ay fikraddahooda ku soo bandhigaan. Haddaba munaasabadan sannadguurada shanaad ee WDN darteed waxa uu Golaha tifaftirku halkan mahadnaq aan la soo koobi karin ugu soo gudbinayaan aqoonyahannadii iyo guud ahaanba akhyaarta ka qayb qaadatada qoraalada lagu daabaco degelka WDN. Waxaa sidoo kale aannu jecelnahay in aan halkan uga mahad celino dadkii had iyo jeer talada iyo tusaalaha nala barbar taagnaa tan iyo intii ay jirtay WDN iyo akhristayaasha sida joogtada ah ugu taxan WardheerNews. Golaha Tifatirka Maqaallo la xidhiidha Mawduuca :- WardheerNews war ma hayso oo qudha!!! W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
- Geeddiga Hore u Wada...! W/Q Dr. Maxamed D. Afrax - The 5th Anniversary WardheerNews.com By Rashid Yahya - Higher Accolade for WardheerNews By Roob Doon Forum - WardheerNews at Five By Dr. Said Samatar - Warku ha sii faafo W/Q Dr. Georgi Kapchits - War la helaa talo la helaaW/Q Cabdiraxmaan Barwaaqo - War Baa u Gaajo Badan!By Maxamed Baashe X. Xasan - Congratulations to WardheerNews By Dr. Ali Bahar - Media, Media Everywhere, But Only Few That Play Their Role By Nur H. Bahal - Bravo WARDHEERNEWS!The leading light of the Emergent Somali .. By Sii'arag - “Who are these guys anyway?” By Yasmeen Maxamuud - WardheerNews leaves Anna Waa-i-Kan websites in the trail By Bashir Goth - WardheerNews: Ahead of its time By Rashid Yahya Ali - WardheerNews dot Com: Mature at Infancy By Ismail Ali Ismail - Happy Anniversary “WardheerNews” By Ali Gulaid - WardheerNews: Please stay gold and true to justice By Sadia Ali Aden
|