Home Articles Somali Songs About us  

War la helaa talo la helaa
W/Q Cabdiraxmaan  Faarax ‘Barwaaqo’
Nov 19, 2009

Warku wuxu nolosha Soomaalida kaga jirijirey haddana kaga jiraa kaalin xoog leh. Midhkaana siyaabo badan baa lagu soo bandhigi karaa. Tusaale ahaan, bal aan isla eegno dhawr maahmaahood oo ay ka mid tahay tan kor ku xusan ee ah: War la helaa talo la helaa.

Maahmaahdu waxay si kooban innoogu sheegaysaa in guud ahaan noloshuba ku dhisantahay warka oo aan la’aantii wax go’aan ah oo la gaadhi karaa aanu jireyn. Taasi oo caddaynaysa inuu warku yahay walax taabbud ah oo nolosha kaalin yaab leh kaga jira. Waxa xusid mudan in talada la gaadhayaa ku xidhantahay tayada warka lagu siiyo laftiisa. Tusaale ahaan, haddii warka aad heshay yahay mid sugan waxa hubaal ah in talada aad gaadhaa noqonto mid tayo wanaagsan oo aan lagu iilan. Hayeeshee, haddii warka lagu siiyaa noqdo mid dhabta ka fog waxa hubaal ah in talada aad gaadhaysaana noqonayso mid runta aad uga fog.

Halkaa waxaan ka soo tuujin karnaa in dawladaha waaweyni ay habkaasi ku shaqeeyaan oo kolka ay rabaan inay tallaabo qadaan ay bilaabaan xog urursi, ka dibna ayaga oo halkaa ka duulaya go’aanka ay rabaan ka gaadhaan. Haddii aan si kale u idhaana waa aragtida ay dawladuhu u dhistaan haya’daha sirdoonka. Kuwaasi oo hadh iyo habeen heegan u ah wardoon iyo xog urursi, kuna dadaala inay helaan warar dheeri ah oo lagaga hortago falal laga yaabo inay qaadaan budhcad, nacab, iwm.

Ganacsata qudheedu habkaasi mid la mid ah ayey adeegsataa. In kasta oo aanay ganacsatudu raadin xog ay kaga hortagto budhcad, waxay daneeyaan baahida suuqa ka jirta. Tusaale ahaan, haddii aad ganacsade tahay oo aad rabto inaad alaab qaaddo waxa lagama maarmaan ah inaad ogaato waxa suuqa looga baahan yahay. Haddii aanad ogayn waxa loo baahan yahay waxa laga yaabaa inaad qaaddo alaab suuqaba ka buuxda oo is jebisey. Sidaasi awgeed, ayey ganacsatadu ugu xisaabtantaa markasta baahida taal suuqa oo ay u waraystaan dhaqdhaqaaqa suuqa.

Mahmaahaha kale ee ku soo arooray taabbudnimada warka waxa ka mid ah midda tidhaa: War la’aan baa col hodday. Dulucda maahmaahdu waxay tilmaamaysaa in haddii aad dhayalsato cududda nacabkaaga oo aad islaweyni darteed is moodsiiso inuu nacabkaagu liito, waxa hubaal ah inay ku geyseysiin karto jab aanad ka soo waaqsan. Tusaala ahaan, maammulkii Maxamed Siyaad Barre wuxu marwalba ku tilmaami jirey ururradii ka soo horjeedey, isaga oo isdiidsiinaya runtii jirtay iyo awooddooda tiro iyo tayaba, inay ahaayeen afar qof oo injir leh. Aad buu u yaraystay isaga oo ku xisaabtamayey inay ciidammadii Soomaaliya ahaan jireen kuwa ugu xoogga weyn kuwa Afrikada madaw. Dala’sigaasi iyo yaraysigaasi wuxu keenay in si yar oo fudud loo jebiyo ciidammadii dawladda.

War baa u gaajo badan, waa maahmaah kale oo tilmaamaysa kaalinta uu warku kaga jirey nolosha Soomaalida. Dulucdu waxay si toosa innoogu caddaynaysaa inaan warka laga dhergin oo gaajada loo qabaa ka wayn tahay ama ka xanuun badan tahay midda hunguriga loo qabo.

Warka qudhiisa waxay Soomaalidu u kala saartaa mid san iyo mid xun. Ayaga oo warka xun tilmaamayana waxay yidhaahdaan: War xumi dugsi ma fadhiisto. Dulucda maahmaahdu waxay tilmaamaysaa in warka xumi ka dheereeyo oo laga hor maqli og yahay warka wanaagsan.

Marka qof lagu boorrinayo inuu fal raandhiis leh oo waara ku kaco waxay ku yidhaahdaan: waarimayside war ha kaa hadho. Dulucda maahmaahdu waxay sheegaysaa oo ay qiraysaa inay dhimashadu tahay wax aan la hurayn. Sidaasi awgeed, kol haddii la dhimanayo waxa habboon inaad ka tagto wax lagugu xusuusto oo lagugu hadalhayo. Waxanan filayaa magacxumo lagugu hadal hayaa inay tahay magacaa ba’. La ogaayoo qofna ma jecla inuu magacii ba’o. Haddaba waxa qumman in qof kastaa kolka uu fal ku kacayo uu nabdiga ku haysto maahmaahdaasi si uu wax wanaagsan oo lagu xasuusto uga tago.

Kaalinta warku kaga jiro nolosha dadka Soomaaliyeed waxa kale oo aad ka garan kartaa tilmaanta tidhaa: Hebel waa war galeen. Qofka si joogto ah ula socda, dul iyo hoosba, xogta bulshada ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof wargaleena. Haddii qofku tilmaantaa yeesho dhanka Soomaalida wuxu ka ahaa qof mudan in wax la weydiiyo oo xogtaasi uu hayaa noqoto tu laga ambaqaado oo go’aan kasta oo la rabo in la gaadho lagu saleeyo. Qofka yeesha tilmaantaasi warka uu sheego lama beensado. Waxana lagu odhanayaa: "Warkaasi waxa noo sheegay hebel oo ah nin war galeen ah.”

Meelaha uu warku ku arooro ee tilmaama kaalinta uu kaga jiro nolosha dadka Soomaalida waxa ka mid ah magacyada. Wiilka loo saadinayo inuu noqdo mid had iyo jeer tebiya ama laga maqlo war wanaagsan waxa loo bixin jirey Warsame. Warmooge/warmahaye waa laba magac oo loo baxsho wiilasha oo ayaguna argti kale oo warka ku saabsan ku baxa. Waxa laga yaabaa in wiilka loo bixiyo warmooge ama warmahaye yahay mid  aabbihii la dilay. Sidaasi awgeed, wiilka waxa lagu tilmaamayaa inuu yahay mid aan ogayn waxa dhacay (dilkii aabbihii). Hablaha qudhooda waa loo bixiyaa magacyo warka ku saabsan. Tusaale ahaan, waxa ka mid ah magacyada arrinkaasi ku soo arooray magaca ‘Warfog’. Inanta magacaasi loo bixiyaa waxaan filayaa inay tahay mid loo saadinayo inay noqoto mid magac dheer yeelata oo uu warkeedu dhul fog gaadho.

Dhanka ducada haddii aan eegno waxaynu ku ducaysannaa: warsan iyo weedhsan. Ducadaasi waxay ka mid tahay ducooyinka tayada wanaagsan. Qof kasta oo werwer hayaa wuxu jecel yahay inuu war wanaagsan maqlo. Sidaasi awgeed, qofka midhkaa ku ducaystaa wuxu Eebbe ka durraansanayaa inuu maqlo war iyo wacaal uu ku obsado. Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu dhul dheer kaa jiro waxaad had iyo jeer jeceshahay inaad ka hesho war wanaagsan oo cid waliba ku riyaaqdo. Habaarka qudhiisu meesha kama madhna. Warkaa be’, habaar ka weyn oo laysku habaaraa ma jiro baan u malayn. Eebbana innagama dhigo kuwii warkood ba’o.

Haddii aan sidaa uga warrannay kaalinta uu warku kaga jiro nolosha sideen u beegi karnaa kaalinta degelka WardheerNews uu kaga jiro warbaahinta Soomaalida?  Warkiisuse ma u dheer yahay sida magaciisu tilmaamayo? Intaanan weydiimahaasi ka warcelin bal aan isku dayo inaan wax ka idhaa magaca ‘Wardheer’. Sida aan ka warqabno, Wardheer waa magaalo ka mid ah magaalooyinka dalka Soomaali galbeed ee ka tirsan dalka Itoobiya. Runtii ma sheegi karo sidii uu magacu ugu baxay magaalada, hayeeshee, waxaan tilmaami karaa inuu yahay magac lammaan oo ka kooban ‘War iyo dheer’. Waxaanan filayaa ujeeddada loogu bixiyey inay ahayd saadaal. Waana iyada oo loo saadinayey in magaaladaasi noqoto mid magac weyn oo meel kasta oo ay Soomaali joogtaba laga ogaado oo warkeeda laga hadal hayo.  

Markii, haddaba, u horreysey ee aan la kulmay degel ka mid ah degellada wararka Soomaalida oo loo bixiyey Wardheer waxaan u qaatay in golaha quraarrada degelku kolkay qaadanayeen magacaasi ay ujeeddadoodu sidaasi ku dhisnayd. Haddaba intii uu degelku jirey, runtii, wuxu noqday mid hantay akhristayaal iyo aqoonyahanno tirabadan oo sokeeye iyo  shisheeyaba leh. Waxaan hubaa inaan degelka war qudha loogu soo hiloobin ee loo soo booqdo qoraallada xambaarsan aqoonta ee ay qoraan aqoonyahanno magac leh kuna xeel dheer laamaha aqoonta ee kala geddisan.

Qoraallada af Soomaaliga ah ee ku soobaxa WardheerNews waa qaar ka badbaaday xanuunka tayaxumida ah ee saaqay qoraallada af Soomaaliga ee dhanka higgaadda ee ay caanka ku yihiin badanka degellada af Soomaaliga wax ku qoraa.

Siday doontaba ha ahaatee, horaa loo yidhi: nin habari dhashay hal ma seegiwaayo. Taasi oo tibaaxaysa in fal kasta oo la qabtaba dhaliil laga helayo. Tilmaanta tidhaa ‘Dhammaanshiiyo Weynaa iska leh - Al-kamaalu LIL-LAAH’ baanan arrintaasi u cuskanayaa. Haddaba, wixii dhaliilo jira waxan filayaa inaanay golaha quraarrada degelku u qaadan cay ama af lagaaddo ee ay ku dadaalaan inay toosiyaan. Waxaana hubaal ah dhaliil ama cabasho la toosiyaa inay kor u qaaddo ama kordhiso magaca iyo tirada akhristayaasha mooyee ma filayo inay dhib keeneyso.

Guntii iyo gabagabadii, waxaan ku hambalyaynayaa maammulka degelka WardheerNews dadaalka iyo kartida ay muujiyeen shanta gu’ ee uu udubka degelka WardheerNews taagnaa. Waxaanan ku boorrinayaa inay fuliyaan aragtida iyo dulucda qotada dheer ee ku duugan maahmaahda tidhaa: war la helaa talo la helaa. Dulucda oo ah inuu degelku ku dadaalo inuu soo gudbiyo warar iyo aqoon ka tayo wanaagsan kuwii hore isuna dheellitiran oo runta aad ugu dhow. Waxa iyana loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah in nabdiga lagu hayo maahmaahda kale ee tidhaa Waarimayside war ha kaa hadho. Ku dhaqanka aragtidaasi waxay maammulka WardheerNews u soo jiidi inay ka tagaan raad waara oo ku dayasho leh.

Cabdiraxmaan Faarax 'Barwaaqo'
E-Mail: Hal_aqoon@yahoo.com

-----------------------------

Mawduucyo la Xidhiidha :

- WardheerNews war ma hayso oo qudha!!! W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
- Geeddiga Wada...! W/Q Dr. Maxamed D. Afrax
- The 5th Anniversary of WardheerNews.com By Rashid Yahya Ali
- A higher Accolade for WardheerNews By Roob Doon Forum
- WardheerNews @ Five By Dr. Said S. Samatar
- WardheerNews oo 5 Jirsatay - Golaha Tifaftirka
- Warku ha sii faafo W/Q Dr. Georgi Kapchits
- War la helaa talo la helaaW/Q Cabdiraxmaan Barwaaqo
- War Baa u Gaajo Badan!By Maxamed Baashe X. Xasan
- Congratulations to WardheerNews By Dr. Ali Bahar

- Media, Media Everywhere, But Only Few That Play Their Role By Nur H. Bahal
- Bravo WARDHEERNEWS!The leading light of the Emergent Somali .. By Sii'arag
- “Who are these guys anyway?” By Yasmeen Maxamuud

- WardheerNews leaves Anna Waa-i-Kan websites in the trail By Bashir Goth
- WardheerNews: Ahead of its time By Rashid Yahya Ali
- WardheerNews dot Com: Mature at Infancy By Ismail Ali Ismail
- Happy Anniversary “WardheerNews
” By Ali Gulaid
- WardheerNews: Please stay gold and true to justice By Sadia Ali Aden

___________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com