Home Articles Somali Songs About us  

War Baa u Gaajo Badan!
W/Q Maxamed Baashe X. Xasan
November 20, 2009

Waa la isku raacsan yahay ahmiyadda warku aadanaha ugu fadhiyaa in ay weyn tahay, Soomaalidana waxa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay quruumaha ugu warka iyo wacaasha jecel. Soomaalidu waa “war ku nool” baa la yidhaahdaa oo marka laba nin oo dheelmanayaa dalandool ahaan meel cidla’ ah ugu kulmaan waxa ay isku nabdaadin jireen  “Waar maxaa la sheegay” oo nuxurka ka dambeeyaa yahay “maxaa war la hayaa”.
Maxamed Baashe X. Xasan
Maxamed Baashe X. Xasan

Xilligii dagaalkii Labaad adduunka ka holcayey, ayaa maamulayaashii gumaysiga Ingiriiska ee Hargeysa loo sheegay in dadkii Soomaalidu is gaadhsiiyeen warar tibaaxaya in ciidamadii Ingiriiska ee dagaalkaas ku jirey lagu wiiqay Hindiya, Burma iyo Bariga Fog. Xilligaas ma jirin sida maanta warbaahin casri ah iyo teknoolijiyadan xiimaysaa midkoodna, waxaana maamulayaashii Ingiriisku la yaabeen sida dadka Soomaalidu wararkaas u heleen iyo sida dhakhsaha badan ee ay ugu dhex faafeen. Waxa la yidhi waxa uu Ingiriiskii isugu yeedhay raggii gabyaaga ahaa ee beelaha dhexdooda ka sheegganaa. Waxa uu u qaybiyey lacag iyo dhar ay ugu mudnaayeen laba go’ oo cadcad oo bafto ah oo xilligaas lagu xarragoon jirey. Waxa uu yidhi ka gabya dagaalka oo tilmaama in Ingiriisku kaga gacan sarreeyo cid kasta goobaha lagu dagaalamayo ee Bariga Fog iyo meelaha kaleba.

Nin ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa maansoyahannadii loo yeedhay, Maxamed Nuur Laangadhe ayaa ka tiriyey tixdan munaasabaddas. Tixdan geeraarka ah ee taariikhda gashay ayaa odhanaysa:

Gudaha ceelkan Hargeysa
Weligay gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintey
Iyo intaan gaajo ku seexday
Haddii laysu minguursho
Malaa waa isku gaw e
Bal maxaan laba gaal
Oo abtirsiiyo gudboon
Mid maxaan u gumayn
Midna guusha u siinoo
Aniga iiga gidhiish ah

Mar haddaan ka gabyey
Go’aygiina ka qaatay
 England baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiish ah!

Maamulayaashii Ingiriis markii arrinta geeraarkan loo geeyey ayay mar kale sii yaabeen, waana markaas xilligii ay bilaabeen hindisihii ugu horreeyey ee ay ku dhaqan geliyeen markii dambe (qiyaastii 1946) Codkii Goodirka: Idaacaddii Radio Hargeysa oo ahayd idaacaddii ugu horraysey ee Afka Soomaaliga ku baxda.

Laanta Afsoomaaliga ee BBC London ayaa iyana hindise kaas la mid ah ku timid toban sannadood ka dib Radio Hargeysa, xilligii uu socdey dagaalkii Kinaalka Suways (1956) ee Yuhuudda oo reer galbeedku, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiisku la saf ahaayeen iyo Carabta oo Masar hormuud u ahayd ayaamihii Jamaal Cabdinaasir.

Mar kale ayaa maamulayaashii gumaysiga Ingriiska loo geeyey adduun-arag-wadareeddii Soomaalida ee ku waajahnayd dagaalkaas.

Geedkii jirrid lehba
Nabsaa jebiyee
Jamaal ma ka xidhay
Jidkii Yurub!

Mar kalena waxa ay lahaayeen oo Soomaalida ku dhex faafay hal-ku-dheggan:

Jamaal Cabdinaasir
Ninkii la jihaada
Allow jebi!

Halgankii Gobannimo-doonka ee Soomaalida iyo Codkii Qaahira ee Afsoomaaliga, ayaa isku xidhmay. Dhinaca kalena waxa taas la kortay aragtidii Hantiwadaag u janjeedhka ahayd ee caalamka beryahaas ka calanwallaynaysey. Taas oo Ingiriiska ku riixdey aasaaskii Laanta Afsoomaaliga ee BBC. 

Soomaalidu  maantana waa war jeceshii oo weliba isu fasax qaadatay; heshay oo ka faa’iidaysatey - sax iyo khaladba - dawaar-nololeedka xiimaya ee teknoolajiyada casriga ah. Waxa se isa soo maqiiqaysa oo markiiba maskaxda ku soo dhacaysa arrinta ku saabsan asqowga iyo jahawareerka wararka Soomaalida dhex heehaabaa abuuraan waayadan dambe ee cilladdu badan tahay, isdiiddooyinkuna ku dhex negaadeen dadka Soomaalida.

War Cadhaysan!

Inta badan ilaha wararka laga doonto ee Soomaalida sida mareegaha Internet-ka, waxa lagula kulmaa warar “ku candho iyo bayd go’an” aragtidii uu tebiyuhu qabey. Sidii uu isaga ama iyadu u jeclaan lahayd in wax u dhacaan, ayay warka in badani u qorayaan ama u sheegayaan. Waxa warka ka dhex hillaacaya cadho, xanaaq iyo aflagaaddo dhinac abbaaraysa. Waxa warar badani ku xadgudbaan shakhsiyaad, kooxo, beelo ama degaanno iska dhan. Marka warka laga tago ee maqaallada iyo faallooyinka loo gudbo iyada hadalkeeda iskaba daa. Waallida uun baa sii korodha. Waa yooyootan, caytan yaqyaqsi leh, ligis iyo dhooqo lagu galgasho oo si aan loo miidaan deyin ciddii la doono loo marmariyo.

Halkaas waxa ku god gelaya oo ku gedmanaya anshaxii warka iyo wacaaluhu lahaayeen. Waa akhlaaqdii sheegmada iyo tii warfaafineed. Waxa lumaya feejignaantii mas’uuliyadeed iyo tii xilkasnimeed ee isha warfidineed ee xumaantaasi ka soo burqanayso. Taas waxa ka sii daran ku galgalashada xuquuqaha reebban ee hal-abuur gaar u leeyahay oo isna aan loo aabba-yeelin inta badan. Maqaal dhan ama sheeko qoraa leeyahay ayaad maalin dambe ku arkaysaa magaca qof kale oo hoosta kaga xardhan! Dhanka xigashada ama wax soo dheegashada war meel laga soo qaato ama dheeg qoraal laga soo ergisto iyana waa mid mareego badani ku turunturroodaan.

WardheerNews.com oo hadda xusaysa sannadguuradeedii 5-aad November-tan 23-da iyo bogaadinteeda, ayaa ladhkan maanta doogtiisa igu soo kicisay. WardheerNews waxa ay ka mid tahay foolaadka warbaahinta Soomaalida ee ka badbaadey cudurradaas badan ee ku baahay qaar badan oo ka mid ah ilaha wararka Soomaalida ee Internet-ka.

Waxa aan ka mid ahay dadka badan ee ay WardheerNews.com ku soo jiidatey tayada war iyo wacaal soo bandhigiddeeda. Waxa ay ka mid tahay ilaha ugu waaweyn ee aan u arooro, kana soo dhaansado biyo xareed ah. Marka aan war ku daabacan WardheerNews.com akhriyayo waxa aan dareemaa jiritaanka aqoontii anshax; akhlaaqeed ee warfidiyeennimo. Ma’aha khasab in aad warka ka hesho nuxur ahaan oo jeclaysato, waxa se muhiim ah inuu yahay war leh dhismihii iyo asluubtii warnimo.

Waxa dhacay
Meesha wax ka dhaceen
Ammintii wax dhaceen
Cidda wax ku dhaceen,

iyo haddii laga fursan waayo


Sida ay wax u dhaceen
iyo
sababaha keenay waxa dhacay.

Warka meeli ugama bannaana dareen cadho sitaa, aflagaaddo iyo waalli kalena haba haybsan.

Waxa kale oo WardheerNews.com muujisay shantii sannadood ee jiritaankeeda aqoon iyo xeel-dheeri la falgashan hawadinta hawsha ay ku foogan yihiin hawl-wadeennadeedu. Hannaanka dhisme iyo nuxur ee maqaallada iyo faallooyinka mareegtaas lagu wadhaa waxa ay muujiyaan heer-beeg (standard) ka dhexeeya oo tayo dhawr ah. Waa xul ka soo jeeda rug aqoon iyo waaya-aragnimo ku turanaysa. Dhalliisha laga dhex halacsado dareen ahaan waxa lagu illaawaa tayada loogu dhex tago ujeeddo iyo nuxur ahaan. Xagga  Afsoomaaliga ayaa isna heer-beeggaasi hadhaynayaa oo WardheerNews.com waxa ay ka nabad-gashay “xagaafka iska qaadsiida” dadka Afsoomaaliga wax ku qoraa intooda badani u adeegsadaan wax soo-saarkooda.

Gabagabadii aan ku hambalyeeyo bogaadin ahaan maamulka iyo shaqaalaha WardheerNews.com  hawsha ballaadhan ee ay u qumeen iyo sida xilkasnimadu ka muuqato ee ay hawshaas u soo agaasimayeen shantii sannadood ee aynu soo dhaafnay. Karti iyo aqoonba waa laga dareemi karaa hawshiinna, hase yeeshee intaasi ma’aha wax walba oo weli maalmihii qaar baa dambeeya.

Mayl ama Kiilomitir kasta oo la gooyo waxa ka sii dambeeya oo ku xiga qaar kale oo ay tahay in la gaadho ama la sii daba heetiyo. Adkeeya oo joogteeya inta wanaagsan ee aad haddeerba hanateen. Ka fogaada dhan u dheelliga Soomaalida maanta loogu dawgalay iyo isboqridda; iscaleemo-saarka aan macnaha ku fadhiyin. Cidna ha ka jirina aan ka ahayn xumaanta iyo sama-dawdarnimada nololeed, cidna ha la  jirina aan ka ahayn runnimo, xaqnimo, xuquuqnimo iyo inta loo bal reebto. Taas baa sir nololeed ah!

Ka mid ah akhristayaasha WardheerNews.com

Maxamed Baashe X. Xasan
E-mail: mohamedbashe@hotmail.com
-----------------------------

Maqaallo la xidhiidha:

- WardheerNews war ma hayso oo qudha!!! W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
- Geeddiga Wada...! W/Q Dr. Maxamed D. Afrax
- The 5th Anniversary of WardheerNews.com By Rashid Yahya Ali
- A higher Accolade for WardheerNews By Roob Doon Forum
- WardheerNews @ Five By Dr. Said S. Samatar
- WardheerNews oo 5 Jirsatay - Golaha Tifaftirka
- Warku ha sii faafo W/Q Dr. Georgi Kapchits
- War la helaa talo la helaaW/Q Cabdiraxmaan Barwaaqo
- War Baa u Gaajo Badan!By Maxamed Baashe X. Xasan
- Congratulations to WardheerNews By Dr. Ali Bahar

- Media, Media Everywhere, But Only Few That Play Their Role By Nur H. Bahal
- Bravo WARDHEERNEWS!The leading light of the Emergent Somali .. By Sii'arag
- “Who are these guys anyway?” By Yasmeen Maxamuud

- WardheerNews leaves Anna Waa-i-Kan websites in the trail By Bashir Goth
- WardheerNews: Ahead of its time By Rashid Yahya Ali
- WardheerNews dot Com: Mature at Infancy By Ismail Ali Ismail
- Happy Anniversary “WardheerNews
” By Ali Gulaid
- WardheerNews: Please stay gold and true to justice By Sadia Ali Aden

______________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today. Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2009 WardheerNews.com